Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Cabdicasiis Nuur Xuseen u magacaabay inuu noqdo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.
Qoorqoor ayaa wareegto ku soo magacaabay Xeer Ilaaliyaha cusub, waxayna wareegtadu u qorneyd:
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto,2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Galmudug.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug
Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.
Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.
Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.
Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM
Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM
Markuu la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka DGM
Wuxuu soo saaray xeerkaan:
Qodobka 1aad
Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM
Qodobka 2aad
Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.
DHAMMAAD.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com