Galmudug, Koonfur Galbeed & Hirshabelle oo soo dhaweeyay go’aanka Shirkii Garoowe

Muqdisho (Halqaran.com) – Maamul goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go’aanka Shirkii Wadatashiga ee maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku yeesheen magaalada Garoowe.

Taageerada maamulladan ayaa timid, kaddib Shir Khadka Internet-ka ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

Maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa xusay, inay si weyn u soo dhaweynayaan Puntland iyo Jubbaland inay ku soo biiraan go’aankii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb3.

Halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka Saddexda maamul goboleed:

 


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *