Diyaaraddii ugu horreysay oo ay leedahay Israa’iil oo maanta ka degtay Imaaraadka Carabta

0

Abu Dhabi (Halqaran.com) – Diyaaradda A Star El Al plane ayaa Isniintii maanta ka degtay Magaalada Abu Dhabi ee dalka Emirate-ka Carabta, kadib markii ay ka soo duushay Garoonka Ben-Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.

Diyaaradda ayaa siday wafdi ka socday Mareykanka iyo Israel, sida Lataliyaha sare ee Madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Israel, Meir Ben-Shabbat.

Waa diyaaraddii ugu horreysay oo Israel laga leeyahay oo duulimaad ku tagta dalka Emirate-ka Carabta, inta ay taariikhda qoreyso.

Mareykanka ayaa ka shaqeeyay inay labada dhinac isu soo dhawaadaan, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa Axadii wafdi ka socday dalka Mareykanka u sheegay inay wadahadalo qorsoodiya kula jiraan dalal kale oo Carbeed, kuwaa oo sida uu sheegay raaci doono wadadii Emirate-ka Carabta.

Xiriirka curdunka ah ee u bilowday Abu Dhabi iyo Tel Aviv ayaa waxaa si weyn uga horyimid Falastiiniyiinta, ay dhulkooda xoogga ku haysato Israel.

Maamulka Abu Dhabi ayaa aqbalay in uu xiriir iskaashi la bilaabo Israel, iyadoo aan weli xal rasmi ah laga gaarin colaadda Falastiiniyiinta kala dhaxeysa Maamulka Yahuudda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here