Madaxweyne Farmaajo, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ku kulmay Villa Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa horudhac u ah kulan kale oo maanta lagu wado inay labada dhinac ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, kaasoo uu ujeedkiisu yahay in looga hadlo arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan midda doorashada.

Kulanka maanta ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaan ka qaybgeli doonin Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ujeedada kulanka ayaa ah in la isu soo dhaweeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, oo horaan walaac uga muujiyay habdhaqanka Madaxweynaha Qaranka, ka dib tallaabadii meesha looga saaray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Madaxda aan ka qaybgeli doonin kulankan ayaa loo arkaa kuwo ay Madaxweynaha Qaranka is fahamsan yihiin, isla markaana ay isu meel u wada socdaan, haddii ay saxiixeen shan iyo tobankii qodob ee laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3, ee 20-kii bishii hore ee August lagu soo gebagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Imaanshaha Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa ku timid cadaadis xoog lihi oo kaga yimid Beesha Caalamka, sida uu BBC u sheegay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Prof. Samatar ayaa ku taliyay in kulankaasi laga qaybgeliyo Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan Magaalada Muqdisho, si aan hadhow loogu arkin mid ku gaar ah Gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha-ahaatee ma cadda waxa ka soo bixi doono dadaalada, ay labada dhinac xalka ugu raadinayaan arrimaha doorashooyinka ee dalka, balse rajada umadda Soomaaliyeed ayaa ah in wax wanaagsani ka soo bixi doonaan, marba haddii ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here