Doorashada 2020/21: Faragalinta Beesha Caalamka Iyo Fitno Hurinta Puntland iyo Jubaland

Ka dib markii uu dhamaaday shirkii Dhusamareb-3, MW Farmajana ku soo laabta Muqdisho ayuu wuxuu la kulmay masuuliyiin ka tirsan beesha caalamka oo uu hor boodayo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. Wada hadal dheer ka dib, waxa Farmajo lagu cadaadiyay inu Muqdisho kula kulmo MW-yaasha Puntland iyo Jubalane, Siciid Deni iyo Axmed Madobe, kuwaas oo diiday inay ka qayb galaan Dhusamareb-3, isla markaana diiday inay taageeraan go’aamadii shirka soo baxay.

Waxaad mooddaa in cadaadiska beesha caalamku ahayd shirqool loo maleegayay Farmajo oo lagu waynaynayo muhimadda, miizaanka iyo maqaamka labadan maamul ay leeyihiin laakiin kuwa kale aysan lahayn. Farmajo isagoo arintii aan ka fiirsan, cid kalana kala tashan ayuu isla markiiba yeelay dalabkii loo soo gudbiyay. Waxaan marar badan is waydiiyaa yaa la taliya MW Farmajo oo u daraaseeya arrimaha soo wajaha. Mise si qori tuur ah buu wajahaa arrimaha soo food saara.

Fursad Dahabi Ah oo Farmajo Lumiyay

Ujeedada beesha caalamku shaacisay in laga lahaa imaanshaha Deni iyo Madoobe waxay ahayd in ay dawladda dhexe iyo labadan maamul ka wada hadlaan qaabka iyo waqtiga doorashada 2020/21 u dhacayso iyadoo la fulinayo qodobadii lagu heshiiyay Dhusamareb-3.

Laakiin taasi ma dhicin waayo isla markii madaxda Puntland iyo Jubaland ay imaadeen Muqdisho waxay bilaabeen shirar ay la qaateen mucaaradka dawladda intii ka hor intii aysan la kulmin MW Farmajo oo ay ahayd inay kala hadlaan una gudbiyaan mawqifkooda ku aaddan go’aamadii shirkii Dhusamareb-3, doorashada 2020/21 iyo haddii ay jiraan tabashooyin ama talooyin ay rabaan inay u gudbiyaan MW-naha si uu wax uga qabto.

Taa baddalkeeda, madaxda Puntland iyo Jubaland waxay ka heleen booqashadii Muqdisho fursad qaali ah oo aysan waligood heleen. Waxay waqti u heleen inay la kulmaan cid kasta oo mucaarad ku ah dawladda, iyadoo ujeedadoodu tahay sidii loo fashilin lahaa go’aamadii ka soo baxay shirkii Dhusamareb-3, Farmajana waqtiga looga lumin lahaa, dalkana qalalaaso loo gelin, ugu dambayna Farmajo xilka looga qaadi lahaa.

Ma ahayn in MW Farmajo ka yeelo beesha caalamka in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe loo xayirnaado oo iyaga la’aantood aan heshiiskii Dhusamareb-3 la meel marin kari waayo. Waxay ahayd in MW Farmajo ku xiro cadaadiska beesha caalamka shuruudaha soo socda.

  1. In isla marka Deni iyo Madoobe imaadaan Muqdisho la qabto lana gaba-gabeeyo shirka labada maamul iyo dawladdu ay u ballansanayeen.
  2. In ajendaha shirka dawladda dhexe iyo labada maamul lagu koobo arrimaha doorashooyinka isla markaana shirka loo sameeyo waqti go’an (tight schedule) oo aan dhinacna ka bixi karin.
  3. In sugidda ammaanka iyo dejinta wufuudda labada maamul goboleed ay yeelato dawladda dhexe.
  4. In haddii la isku afgaran waayo shirka isla markaana ay Puntland iyo Jubaland diidaan inay aqbalaan go’aamadii Dhusamareb-3, uu Farmajo golaha shacabka u gudbiyo go’aamadii Dhusamareb-3 si loo sharciyeeyo, kadibna la isugu diyaariyo qabashada doorashada.
  5. In haddii Puntland iyo Jubaland diidaan in doorashada lagu qabto degaanadooda, muddo xileedka loo kordhiyo xildhibaanada Puntland iyo Jubaland hadda uga jira golaha shacabka, ama xildhibaano hor leh lagu soo doorto Muqdisho.
  6. In xildhibaanda Gedo laga soo doorto degaanadooda oo Kismayo aan lagu soo dooran.

Waxaad mooddaa in Farmajo si fudud oo shuruud la’aan ah u aqbalay cadaadiskii beesha caalamka oo ahaa inu la kulmo Deni iyo Axmed Madoobe, balse Deni iyo Madoobe ay ka war-wareegeen inay la kulman Farmajo.

Waxaa kaloo la is dhihi karaa ujeedada beesha caalamku waxay ahayd in markii madaxda Puntland iyo Jubaland ay imaadaan Muqdisho ay suurowdo inay shirar gaar ah la yeeshaan mucaaradka dawaladda kadibna samaystaan isbahaysi ay hal meel uga soo wada jeensanayaan dawladda dhexe.

Sida muuqata beesha caalamku hadda ma kala jecla in Deni iyo Madoobe la kulmaan Farmjo iyo in kale sababtoo ah waxaa laga yaabaa in awalba ujeedada beesha caalamku aysan ahayn in wax la xalliyo ee ahayd in qas iyo jaah wareer lagu jiro inta waqtigu ka dhamaanayo Farmajo.

Waxaa cad in beesha caalamku dawladda dhexe uun cadaadis saari karto, laakiin ay indhaha ka saabanayso oo aysan dan lahayn falalka wiiqaya dawladnimada iyo midnimada Soomaaliya ee Puntland iyo Jublanad caadaysteen inay ku mucaaradaan dawaladda talada haysa.

Maxaa Xal ah? Xalka Soomaaliya waa in labo mid la sameeyo:

  1. In madaxda waddanka oo dhan heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay doorasho ku yimaadaan, doorasho ama muddo xileed aysan dhaafi karina xilka looga qaado.
  2. Ama In madaxda oo dhan ay noqdaan kuwo ay mgacaabaan madaxwaynaha iyo madaxda maamul goboleedyadu.

Haddii xalkaan la qaato waa suuroobaysa in laga bed-baado is qab-qabsiga, iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhalan kara iska hor imaadyada iyo khilaafka had iyo jeer dhaca, gaar ahaan xilliyada doorashooyinku soo dhowaadaan, iyo in la helo dawlad waqtigeeda iyo dadaalkeed galisa ka shaqaynta horumarka degaanda dalka oo dhan, ee aan ku mashquulin sidii ay isu bed-baadin lahayd ama mar kale doorashada ugu guulaysan lahayd.

Waxaa is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in madaxda maamul goboleedyadu ay yeeshaan awood ay ku magacaabi karaan xilkana uga qaadi karaan xildhibaanda, guddoomiyayaasha gobollada iyo duqyaasha degmooyinka maamul goboleedkooda laakiin madaxwaynaha Soomaaliya uusan lahayn awood taas la mid ah oo uu ku magacaabi karo madaxda maamul goboleedyada heer ay yihiinba.

Macne ma samaynaso in awood loo diiday madaxwaynaha waddanka la siiyo ama ay xoog ku maroorsadaan madaxda maamul goboleedyadu. Sidaa awgeed waa in guddoomiyayaasha iyo duqyaasha degmooyinku ay ku yimaadaan doorasho, xilkooda aan cidina ka qaadi karin ilaa ay waqtigooda ka dhammaystaan.

Sidoo kale, tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobollada hoos yimaada maamul goboleedyada waa inay helaan xuquuq u dhiganta tan maamul goboleedyadu ku leeyihiin dawaldda Federaalka ah. Dawaladda dhexena xuquuq taas u dhiganta ay ku yeelato maamul goboleedyada iyo degaanada hoos yimaada.

Waana in sida maamul goboleedyadu ugu hanjabaan inay xiriirka wada shaqaynta u jarayaan dawladda dhexe, ay gobollada iyo degaanada hoos yimaada maamul goboleedyada iyaguna u qaadi karaan tallaabo taas la mid ah oo ay xiriirka wada shaqaynta ugu jari karaan maamul goboleedka, hadday rabaana uga go’i karaan maamul goboleedka oo toos u hoos imaan karaan dawaladda dhexe.

Haddii si buuxda loo fahmo in xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda dhexe, maamul goboleedyada, degmooyinka, iyo tuulooyinku uu yahay mid kor-iyo-hoosba isu dheelli-tiran oo ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka midba kan kale ku leeyahay, waxaa la helayaa is faham buuxa oo keenaya in laga wada shaqeeyo horumarka waddanka.

Laakiin haddii maamul goboleedyada keliya ay yeeshaan awood ah in wax la curyaamiyo, wax la qaso, wax la joojiyo, la hanjabo, ama xilka qof laga qaado, waxaa meesha ka baxaya isu dheelli tirnaanta awood qaybsiga, helidda xuquuqaha iyo waajibaadka la isku leeyahay, iyo jirtaanka sharci ay ku kala bixi karaan maamullada kala duwan ee dalka ka dhisan markii aragti kala duwanaan imaato.

Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyinka u banaan in maamul goboleedku ka qaado dawladda dhexe, ay u banaan yihiin, qaadina karaan degmooyinka iyo gobollada ka tirsan maamul goboleed kasta.

Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagan loogu xad gudbin una ilaashan karo xuquuqdiisa.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

————–

AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *