Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo la kulmay hoggaanka bulshada rayidka Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hoygiisa ku qaabilay hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Cumar Filish iyo hoggaanka Bulshada Rayidka ayaa ka wada hadlay in door weynka ay ka qaataan Doorshada Dalka ka dhaceysa iyo In kaalintooda Ururada Bulsho ay Wadankaan ku samata Bixiyaan.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Tahliil Shaatax ayaa Duqa Magaalada u Mahad celiyay, isaga oo ku booriyay in guddoomiye Cumar Filish uu sii labo Jibaaro deddaalada Hormarineed ee Caasimada.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in bulshada rayidka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada wada hadallada la xiriira arrimaha doorashada, islamarkaana kulanka Duqa Muqdisho uu daba socdo deddaalada ay wadaan ee ku aadan arrimaha doorashada.

Ugu dambeyn, ururada bulshada rayidka ayaa horay waxaa ay ula kulmeen Madaxweyne Farmaajo, qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadeed iyo saamileyda dalka, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *