Beesha Caalamka oo War deg-deg ah ka soo saaray Shirka DF Somaliya & dowlad goboledyada

Muqdisho (Halqaran.com) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wada-hadallada magaalada Muqdisho uga socda Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa waxaa Madaxda ku shireysa Madaxtooyada Soomaaliya lagu booriyay inay si buuxda uga wada qayb qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, lana hirgelin karo.

Haddaba qeybga hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Beesha Caalamka:

Saaxiibada Caalamka* waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF). Saaxiibada [daneeya arrimaha Soomaaliya] waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo. Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.

Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa siwadajir ah u soo saaray dalalka kala ah: Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *