DHAGEYSO: ‘‘Sharci ma noqon doono heshiis kasta oo ay gaaraan Farmaajo iyo dowlad goboleedyada” waxa yiri…

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen, in aysan sharci noqon doonin heshiis kasta oo ay gaaraan Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo Shir uga socda Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaannadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxda Shireysa looga baahan yahay in wax uun ay ku daraan qodobbadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb3 ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka si ay u fududaato in heshiis la wada gaaro.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa xusa, in nasiib darro tahay in wada hadal hal Maalin go’aan looga gaari karo in muddo sanad ah Shacabka Soomaaliyeed waqtiga looga dhumiyo.

Xildhibaannadan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Farmaajo ka sugaya ballan-qaadkii ahaa in uu Golaha Shacabka ku soo celin doono heshiiska uu la gaaro Madaxda Dowlad goboleedyada.

Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa maalintii Afaraad ka socda Shir u dhaxeeya Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Halka hoose ka dhageyso Codka Xildhibaannada Warbaahinta la hadlay:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *