Maxaa ka jira sheekooyinka ‘boqor Afrikaan ah’ oo hilibka dadka cuni jiray?! + (Akhriso)

Jean-Bedel Bokassa/Photo Credit: AFP


Nairobi (Halqaran.com) – Wakhtigan oo kale bishii Sebtember 1979 waxa xilka laga tuuray boqorkii hore ee Afrikada Dhexe, Jean-Bedel Bokassa, waxaanu dalku ku noqday xukunkii Jamhuuriga ahaa ka dib sannado badan oo uu gacan bira ku hayey ninkaas magaciisa lagu xusuusto sheekooyinka badan ee la yaabka lehi. Hadba sooyaalkiisaa fajaca ah maxaa laga yidhi?

Mike Thomson oo ka tirsan BBC-da oo wax ka qoray ayaa ku tilmaamay in soddon sano iyo dheeraad magaciisu ku sidkanaa gabood falladii ugu xumaa ee ay ku kacaan keli taliyeyaashii kharibay Afrika gumaystayaashii ka dib.

Waxay taariikhdu aad u xustaa in ilaa xad, Jean-Bedel Bokassa, ama Bokassa-ha 1-aad – waa magacuu la baxay markuu is boqray sannadkii 1977, e- in uu ahaa mid ka mid ah “bahalihii ku mamay dhiigga” ee qaaradda Afrika soo mara.

Markii xukunka laga riday sannadkii 1979 kiina waxay dad badan oo aad u necbaa cadhadii kula dhaceen taallo weyn oo loo dhisay ninkaas xukumayey Afrikada Dhexe dhawaad 14 sano, taaladaas oo uu isu ekaysiiyey boqor Nero- hii Roomaanka.

Laakiin sida uu qabo Jean-Serge Bokassa, oo ka mid ah caruurtii uu dhalay Bokassa, taariikhda iyo dadka badankoodu ba si khaldan ayay u qiimeeyaan mudadii uu ninkaasi xukunka hayey. Waxaanu sheegaa in aabihii ahaa “waddani” dalkiisa aad ugu shaqeeyey oo ay sumcaddiisa dhoobeeyeen kuwii doonayey inay xukunka ka ridaan.

Jean-Serge wuxu ahaa todoba iyo toban jir oo isaga oo ku jira fasalka iskuulkii uu ka diganayey dalka Switzerland, ayuun baa degdeg looga soo saaray markii ay ciidamada Faransiisku dalka galeen ee ay xukunka ka rideen Bokassa isaga oo booqasho rasmi ah oo uu Liibiya ku tagay dalka kaga maqan.

Waxa markaa Jean-Serge iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa loo qaaday dalka Gabon oo mastaafuris loo geeyey.

“Waxaanu aragnay warbixino wargeysyadu qorayeen oo sheegaya in aabahayo aanay taladii Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe gacanta ugu jirin” ayuu yidhi Jean-Serge.

“Waxa dishay warbaahinta oo ku tilmaantay inuu hilibka dadka cuni jiray oo caruurtana gumaado” ayuu intaa ku daray.

Isagoo hadalka sii wada ayuu hadana yidhi “waxa jirta maahmaah tidhaa markaad eygaaga nacdo, waa inaad ku tilmaantaa inuu qabo cudur halis ah si aad u disho”. Taas oo uu ula jeedo in dadkii necbaa aabihii ay iin u sameynayeen.

Waxa se jira sheekooyin argagax leh oo laga sheego Jean-Bedel Bokassa, waxaana ka mid ah kuwan soo socda.

“Hilibka dadka ayuu cuni jiray”

Bokassa waxa lagu eedeeyey inuu hilibka dadka cuni jiray, waxaanay dadka dhaliilaa ka sheegaan inuu cuni jiray hilibka dadka mucaaradka ku noqda inta kalena u daadin jiray libaaxyo iyo yaxaasyo ku jiray beer xawayaan oo isagu gaar u lahaa.

Bokassa

 

Sidoo kale wuxuu tuugta ku xukumi jiray in dhegaha laga jaro.

Intii uu talada hayey, Bokassa waxa taageeri jiray Faransiiska oo ahaa dalkii hore u gumaysan jiray wadankaas qudhiisuna uu ciidanmadiisa mar ka tirsanaan jiray muddo labaatan sano iyo dheeraad ahayd.

Sannadkii 1966 ayuu Bokassa talada kula wareegay af-gembi milateri isaga oo markaa ahaa taliyaha guud ee ciidamada Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, hase yeeshee madaxweynihii uu awoodda kala wareegay ee David Dacko, waxa markii dambe xukunka ku soo celiyey Faransiiska.

Bokassa wuxuu markii hore xidhiidh fiican oo shakhsi ahi ka dhexeeyey isaga iyo madaxweynihii Faransiiska ee hore, Valéry Giscard d’Estaing, ilaa uu gaadhay heer Valéry si aan gabasho lahayn u yidhaahdo Bokassa waa “saaxiibkay, waana shakhsi qoyskayga ka mid ah”.

Laakiin sannakdii 1979 ayaa taakuladii Faransiisku siin jiray ka joogsatay Bokassa.

Hase yeeshee arintii Faransiisku ka adkaysan waayey waxay ahayd dhacdadii lagu xasuuqay qiyaastii 100 caruur ah oo ka mudaharaadayey amar uu soo saaray Bokassa oo ahaa in ay dirayska dugsiyada oo aad u qaali ahaa ay ka iibsadaan shirkad ay lahayd dumarkii 17 ahaa ee uu qabay midkood.

Waxa kale oo warbixino ay soo saartay hay’adda Amnesty International tibaaxayeen in Bokassa si toos ah ugu qayb qaatay hawlgallada dilalka ah ee la dalkaa ka dhacay qaarkood.

Ku tagri falka hantida dawladda

“Maadaama oo aan inankiisii ahay, waxa jira waxyaabo wanaagsan oo maskaxdayda ku yaal oo aan ku xasuusto. Aabahay wuxuu ahaa qof kalgacal badan, caruurta wuu jeclahaa aad buu caruurta u jeclaa, waana sababta uu u dhalay ku dhawaad 50 caruur ah” ayuu yidhi Jean-Serge.

Hase yeeshee waxa jirta eed kale oo ay adagtahay in la beeniyaa oo ah in Bokassa kharash badan ku bixin jiray raaxaysiga, arintaas oo ahayd wax u gaar ahaa mudadii uu xukunka hayey.

Bokassa wuxu dhalay caruur 50 gaadhaysa

Markii uu qancin waayey xilkii uu isku cumaamaday ee ahaa madaxweynaha dalka ee weligiiba, ayuu go’aansaday inuu isku caleemo saaro boqor, waxaanu xafladii weynayd ee ka dhacday caasimadda Bangui ee is caleemo saarkiisa ku bixiyey tobanaan milyan oo doolar oo hantida dawladda ah.

Wuxuu gashan jiray dhar loo ekaysiiyey kuwii uu xidhan jiray boqorkii Faransiiska ee Napoleon. Markuu magaalada dhex marayo wuxuu raaci jiray buudhi ay fardo jiidayaan oo ay gaadh ka yihiin askar ku lebissan dirays u eeg kii ay xidhan jireen askarta fardooleyda Faransiiska ee qarnigii sagaal iyo tobnaad.

Xabsigii la dhigay

Markii xukunka laga riday, waxa loo ogolaaday Bokassa iyo qaar badan oo caruurtiisa ka mid ah in ay mastaafuris ugu noolaadaan qasri kuwa raaxada ah oo ku yaal duleedka magaalo madaxda Faransiiska ee Paris.

Laakiin muddo ka dib, ayuu sannadkii 1986 go’aansaday inuu dalkiisii ku noqdo iyadoo maxkamadda Afrikada Dhexe isagoo dalka ka maqan dil hore ugu xukuntay, haseyeeshee markii dambe la fududeeyey oo laga dhigay xabsi.

Muddo markii uu xidhnaa, waxa kama dambaystii cafis lagu sii daayey Bokassa sannadkii 1993 saddex sannadood ka dibna wuxuu u dhintay wadne xanuun isaga oo 75 jir ah.

Khariidad muujinaysa halka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kaga taal qaaradda Afrika

Mar dambe oo la maamuusay

Sannadkii 2010 ayaa waxa soo baxday digreeto uu soo saaray madaxweynihii Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo si rasmi ah loogu soo celinayo Bokassa maamuuskiisii.

Qaraarkaas wuxuu soo saaray madaxweynihii hore, Francois Bozize, sannad guuradii kontonaad ee madaxbannaanida dalka, waxaanu Bokassa ugu soo celiyey “xuquuqdiisii oo dhan”.

Waxaanu sheegay Bozize oo qudhiisuna talada af-gembi kula wareegay 2003, in hogaamiyahaa hore ahaa qof “aadamaha wax badan taray”.

“Bokassa wuxuu ahaa nin ummaddan ka dhashay oo ku caan baxay inuu ka mid ahaa dadka sida weyn dalka u dhisay” ayuu yidhi,

Bozize oo billad sharaf gudoonsiinaya haweenkii uu ka dhitay Bokassa midkood oo la yidhaa Catherine, ayaa yidhi “Dalkeenuu dhisay laakiin inagaa duminay wixii uu dhisay”.

Waxaana digreetada madaxweynuhu soo saaray ku qornaa in “maamuus u soo celinta Bokassa burinayso dhmaan wixii xukunno dembi ahaa ee hore loogu riday Bokassa”.

Xigasho – BBC Somali

@Halqaran.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *