Guddoomiyaha G/Banaadir ‘Filish’ oo daah-furay hirgelinta Biyo-mareen biyaha ka qaada warta KM4 +SAWIRO

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyha Gobalka Banaadair ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Guddomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ayaa daah-furay hirgelinta Biya-Mareen loogu talagalay in biyaha fariista warta isgooska Nambar-4 looga saaro.

Cabdulaahi Muuse Caraaye ayaa sheegay inay nidaamiyeen waraha biyaha fadhiista oo ay ugu horeyso tan KM4, haatanna ay qorsheynayaan inay ka shaqeeyaan goobaha kale ee ay biyaha fadhiistaan.

Guddoomiye ku-yigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir mudane Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ku guuleystay in biyaha ka yimaada Warta KM4 aysan markale xiri doonin jidka loo aado garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, ayna u sameeyeen goobo biyaha ay maraan oo ay badda ku shubaan.

Guddoomiyha Gobalka Banaadair ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saarayo xal u helidda biyaha dhex ceegaaga waddooyinka caasimadda.

“Caqabadda ugu badan marka Amniga laga reebo ee na soo wajahda waxaa waxa ay ahayd roobabka oo bur buriyay waddooyinkii dhisnaa oo saameyn ku yeeshay bulshada caasimadda, juhdi badan kaddib waxaan ku guulaysanay inaan maarayno caqabaddaasi qayb ka mid ah” ayuu yri Cumar Filish.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here