Muqdisho (Halqaran.com) – Warbaahinta Halqaran News waxay dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ku wargelinaysaa in boos shaqo ay ka banaan tahay Website-ka Halqaran.com.
Shaqada ka banaan Website-ka Halqaran News ayaa ah qeybta diyaarinta warbixinnada, wararka iyo xog uruurinta.
Shuruudaha shaqada ee laga rabo Saxafiga:
1- Inuu leeyahay Aqoon saxaafadeed iyo hab qoraal fiican, una baahneyn in dib loo saxo qoraalladiisa.
2- Inuu leeyahay ugu yaraan 3 sano oo Khibrad saxaafadeed oo uuna ku soo shaqeeyay.
3- Inuu yahay qof dheg-dheer oo xog-ogaal ah, islamarkaana leh xiriir wanaagsan oo dhinac walba ah, sida inuu heli karo xogta wararka aan bannaanka oolin.
4- Inuu leeyahay Aqoonta luuqad aan aheyn Soomaali, sida Luuqadda Carabiga ama English-ka midkood.
5- Inuu taxliilin karo wararka kuwooda ugu hadal-heynta badan.
Haddaba Saxafi haddii aad buuxin karto shuruudahaasi, Fadlan la soo xiriir maamulka warbaahinta Halqaran News, codsigaadana ku soo dir ciwaanka; halqarannews@gmail.com
Mahadsanidiin.
Maamulka sare HQ