Doorashada 2020-21: Saamaynta Dhaqaalaha iyo Faragalinta Shisheeyaha

Tan iyo intii xilka laga qaaday (ama uu is casilay) RW Khayre waxaa socday hardan is daba joog ah iyo dagaal siyaasadeed oo aan kala go’ lahayn oo u dhexeeyay Villa Soomaaliya iyo isbahaysiga mucaaradka oo taageero ka helaya dawlado iyo hay’ado shisheeye ah.

Sidoo kale, intii uu socday shirkii maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, Deni, Madoobe iyo mucaardkii Muqdisho ku sugnaa waxay isu heleen fursad ay isku arkaan, ugana tashadaan sidii loo midayn lahaa dhaqaalahooda, sidii hal meel looga soo wada jeensan lahaa sidii loola tartami lahaa MW Farmaajo, iyo in mucaaradku iska soo dhex xulaan murashax ka gadmi kara dadka Soomaaliyeed kana adkaan kara MW Farmaajo.

Wada tashi badan ka dib, way suuroobi wayday in mucaaradku isku raacaan qofki la tartami lahaa MW Farmaajo, sababta oo ah qof walba waxaa damac ka galay in isagu noqdo kan la doorto oo tartanka la gala Farmaajo.

Dabadeed mucaaradkii (Khayre, Cabdiraxman Cabdishakur, Madoobe, Deni, Gaas, Shariif Sakiin, iwm) waxay isugu yimaadeen Nairobi si loo sii wado wada tashiga loona helo dhaqaale la siiyo xildhibaanada codaynaya isla markaana hawlaha doorashada lagu maal galiyo. Si dhaqaalahaas loo helo waxaa Imaaraatka loo diray Siciid Deni si uu u soo qaado wixii lacag ah oo Imaaraatku ugu talo galay inuu ku bixiyo doorashada.

Dhanka kale waxa la sheegaya in Fahad Yasin uu aaday Qatar, halka Farmaajana ka aaday Koonfurta Sudan iyo Eritrea halkaas oo la sheegay inuu kula kulmay wada hadallo dheerna kula galay masuuliyiin ka socota Israel, kuwaas oo raba inay xiriir wanaagsan la yeeshaan waddama ku xeeran Iraan si ay u hareereeyaan, duullaana ugu qaadaan Iraan. Ilaa iyo hadda lama oga waxay ka wada ama ku heshiiyeen. Waxa kale oo la sheegayaa in wafdi ka socda Imaaraatka ay iyana Farmaajo kula kulmeen Eritrea.

Waxaa is waydiin leh, Soomaaliya dan ma ugu jirtaa inay xiriir hadda la samaysato Israel. Ka sokow duullaanka Israel iyo waddamada Khaliijku rabaan inay ku qaadaan Iraan, aniga waxay ila tahay inay habboon tahay, muhiimna tahay in labada waddan xiriir yeeshaan. sababaha waxaan ku faah-faahiyay maqaalkaan  https://www.halqaran.com/index.php/tag/somalia-xiriir-ma-la-samaysan-kartaa-israel/ oo aan hadda ka hor qoray.

Waxaa muhiim ah inaan fahamno in haddii Soomaaliya xiriir la yeelato Israel iyo haddii kalaba aysan waxba ka baddali karin qorsha ah in Iraan la go’doomiyo ama la weeraro iyo kan qaddiyadda Falastiin ama Qudus. Sidaa awgeed waxaa habboon in arrinta laga fiiriyo dhanka danta Soomaaliya. Soomaaliya waa inay ku dadaasho inay yarayso cadawgeeda, dhex-dhexaadna ka noqoto colaadda u dhaxaysa waddamada kale.

War iyo dhamaanti waxay u eg tahay in aan ilaa iyo hadda aan la hayn qof nadiif ah  isla markaana ah waddani oo la tartama Famaajo, sidaa awgeedna ay u fududaan doonta Farmaajo in si sahalan mar labaad loo soo doorto.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

————–

AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *