Muxuu Xasan Cali Kheyre kala hadlay Xildhibaannada Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Kenya?

Nairobi (Halqaran.com) – Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ahna ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan ka qaatay xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka waddanka Kenya.

Xasan Cali Kheyre ayaa ololihiisa doorashada ka billaabay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa intaasi hadalkiisa raaciyay, “Waxaan uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin”

Sidoo kale, Kheyre ayaa tilmaamay in uu horay wadatashiyo dhaxal gal ah la yeeshay madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib u dhiska dowladnimadeenna.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here