Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ‘Cali Guudlaawe’ oo lagu soo dhaweeyay Jowhar +(SAWIRRO)

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo muddooyinkii la soo dhaafay shaqo u joogay magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii maanta lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jowhar isaga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaamirayay oo isugu jira laba Gole ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin hore oo xilal uga soo qabtay Hirshabeelle

Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, iyo Cabdifitaax Xuseen Afrax oo soo dhaweynta wafdiga kadib la hadlay Warbaahinta ayaa waxay codsadeen in doorashada la soo dadajiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Canab Axmed Ciise oo ka hadlay soo dhweynta wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo xusay in socdaalkii uu ku joogay Muqdisho ay ku soo dhamaatay mid guul ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here