Shirkii Wadatashiga Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha oo war laga soo saaray

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Wadatashiga ee Sabtidii maanta Caasimadda Muqdisho uga furmay Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii koowaad soo xirmay, warbaahintana la siiyay warbixin kooban oo aadan shirka.

Shirkan oo Saddex maalin socon doona ayaa waxaa ka mid ah qodobada looga hadlay sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in shirka maanta furmay uu yahay mid lagu badbaadinayo mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay Musharaxiinta ay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeestaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto uga gudbi laheyd.

“Waan isu nimid, culees jiro dartii Ayaan isugu nimid, waan arinsanay, waa is cafinay, waan go’aan sannay arinkaan inaan wax ka qabano, waan awoodnaa inaan wax ka qabano, shirkaan intuu socdo markaata briefing ayaan idin siin doonnaa, tashiyo ayaan wadnaa waajibaad ayaan kala qaadanay xaaladuhu wey soconayaan baaqeenu waa nabad”, ayuu yiri Musharrax Daahir Geelle.

Daahir Geelle ayaa tilmaamay baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jira aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan.

Ugu dambeyn, Musharrax Daahir Geelle ayaa sheegay in aanan mar dambe la aqbali doonin Guddi ay ku jiraan Nabadsugida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *