DAAWO VIDEO: Guddoomiyaha gobolka Banaadir ‘Cumar Filish’ oo u hanjabay Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si kulul u weeraray Midowga Musharaxiinta oo Khamiistii maanta soo saaray qodobo xasaasi ah.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay kulan lagu taageerayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su’aalo ka keenay, sida ay wax u wadaan Midowga Musharaxiinta.

“Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay, qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? Dhinaca kale fiiriya Ra’iisal Wasaare Rooble, Hawiye maaha miyaa?”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale yiri “Anigu Gudoomiyihii Gobolka ayaan ahay, gobolkan masuuliyadiisa amnigiisa aniga ayay i saaran tahay. Hawiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid?”

Cumar Filish oo garab iyo gaashaanba u muujiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaanay Midowga Musharraxiinta carqaladeen karin xasiloonida dalka.

“Bootada ay akhrinayaan car afka hasoo dhaafto, haddii ay soo dhaafto maxaa dhacayo meeshii laga soo diray ayey u carari doonaan warkaa ha iloobina”.

“Kuma dhici karaan inay qash-qashaadaan xasiloonida aanu wada ognahay inta wiil ee nooga dhimatay, ogaada kuwa soo diray ayay u muujinayaan inay u shaqeeyaan, xaqiiqadu waa sidaas. Haddii ay isku dayaan inay qalalaase abuuraan ALLE ayaa inoo sheegay tallaabta aan ka qaadi lahayn.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho Cumar Filish.

Si kastaba ha’ahaatee, hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmay, xilli Midowga Musharraxiinta ay culeys siyaasadeed ku hayaan Villa Soomaaliya, si ay wax kaga bedesho dhabaha ay u mareyso maamulidda arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here