Madaxweynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif oo gaaray Baydhabo

0

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kmg ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah Safarkiisa ugu wehliya Xuseen Cabdi Xalane oo ah Xoghayaha Midowga musharraxiinta.

‘‘Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Dowladda KGS Mudane Cabdicasiis Laftagareen, Guddoomiyaha Barlamaanka Md. Cali Siciid Fiqi, xubnaha labada gole iyo shacbiweynaha Baydhaba Janaay sida walaalnimada leh ee ay noo soo dhaweeyeen‘‘, ayuu ku yiri Sheekh Shariif qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa ku hooyan doona Magaalada Baydhabo, halkaasi uu kula kulmi doono Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Musharraxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada qorshooyin kala duwan oo ay kula kulmayaan Madax maamul goboleedyada si taageero uga helaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here