Musharraxiinta Madaxweynaha Somaliya oo si kulul uga hadlay qaraxii lagu laayay dhalliyaro Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Musharraxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii maqaayadda Gelato Divino oo lagu laayay dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Qaar ka mid ah Musharraxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa DF Soomaaliya ku dhaliilay in ay ku fashilantay sugitaanka Amniga caasimada, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan.

Guddoomiyaha golaha Musharraxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay laamaha Ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay laba jiraan howlahooda sugitaanka Ammaanka magaalada Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku weerareen maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dhallinyaro mustaqbalka dalkeenna muhiim u ahaa. Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska Marxuumiinta naga baxay Allaha u naxariistee, anigoo dhaawacyadana Alle uga rajeynayo caafimaad degdeg ah, Ugu dambeyntii waxaan ku boorinaynaa Hay’adaha Amniga ee Dowladda inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, anigoo ugu baaqaya ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurka” ayuu ku yiri qoraal uu soos aaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Daahir Maxamuud Geelle hoggaamiyaha xisbiga dan Qaran ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dhallinyarada la dilo, waxaana uu sidoo kale tacsi u diray ehelada dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

“Waxaan canbaaraynayaa falka foosha xun ee lugu xasuuqay dhallinyarada aan waxba galabsan, luguna fasahaadiyay maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed, Ehelada iyo qaraabada ay ka bexeen dadkii ku geeriyooday qaraxa ka dhacay wadada airport-ka Muqdisho Maqaayadda Gelato Divin ayaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa lana wadaagayaa murugada, Dhallinyarada aqoonyahanka ah ee lugu laayay falkaal waxay ahaayeen labeentii bulshada, wuxuuna ka dhigan tahay isku day bulshada indhaha looga tuurayo” ayuu yiri Daahir Geelle.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay dhallinyaro lahaa Mustaqbal wanaagsan ayna tahay wax laga xumaado.

“Waxaan si xoogan u canbaaraynayaa weerarkii argagixiso ee lagu qaaday maqaayada Gelato Divino. Waxaa xalay goobtaas ku go’ay dhallinyaro uu hiigsi nolol iyo mustaqbal yididiilo leh ka hor muuqdo, kuuwaasoo doonayey in ay dalkooda iyo dadkooda dhisaan. Dhamaantood Allaha u naxariisto. Tani waa fariin ay argagixisadu dirayaan, oo ay leeyihiin goob kasta ayaan beegsan karnaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here