Madaxweynaha Jubbaland oo markale ka dalbaday DFS inay ku wareejiso maamulka G/Gedo

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Iskashiga ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa markale ugu baaqay DF Soomaaliya inay ku wareejiso maamulka Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo aad u dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu ka qaato doorka uu leeyahay Arrimaha doorashooyinka madaama uusan aheyn musharax.

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato‘‘ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay qoraal ku cadeeyaan Jubbaland halka ay doorashada ku qabaneyso ama inay la wareegeen Gobolka Gedo, iyaga oo cadeynaya sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Dowladda, waxaana uu dhowr mar ku cel celiyay in doorasho aan lagu qabaneyn Gobolka Gedo ilaa lagu wareejinayo Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here