DHAGEYSO: Puntland iyo Ganacsada oo ugu dambeyn ku heshiiyay isticmaalka Shilling Soomaaliga +(Wareysiyo)

0

Garoowe (Halqaran.com) –

Dowlad goboleedka Puntland iyo ganacsatada Gobolka Bari ayaa Arbacadii maanta ku heshiiyay in la socodsiiyo lacagta Shilling Soomaaliga, kaddib kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso.

Puntland iyo ganacsatada ayaa ku heshiiyay in dib loo furo ganacsiga Magaalada Boosaaso oo maalmihii la soo dhaafay u xirnaa dhibaato ka dhalatay sicir bararka.

Labada dhinac ayaa guddi u xilsaaray dhaqan gelinta heshiiskan is afgaradka ah, si ay u dhammeystiraan waxyaabihii lagu heshiiyay.

Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland, Maxamed Cabdi Waabari oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in galabta dib loo furay suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso, kadib markii lagu heshiiyay in Dekedda Boosaaso mooyee kastamyada kale lagu qaado lacagta Shilling Soomaaliga.

Codka Guddoomiye Maxamed Cabdi Waabari:

Maxamed Cabdi Waabari ayaa intaa ku daray in ganacsatada kale ee magaalooyinka Puntland, ay iyana qaadan doonaan Shilling Soomaaliga, maadaama sida uu yiri ay isku xiran yihiin suuqyada Puntland.

Dhanka kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo isna la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dhankooda ay ballanqaadeen tallaabooyin Shilling Soomaaliga lagu damaanad qaadayo isticmaalkiisa, si bulshada u isticmaasho, maamulkuna uu qaybo ka mida canshuuraha ku qaadi doono Shillinka.

Codka Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cismaan:

Isku soo wadaduub, ganacsatada Puntland ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay diidaan in ay wax ku iibiyaan lacagta Shilling Soomaaliga, kaddib markii uu sare u kac ku yimid sarifka dollarka.

Tani waxay ka dambeysay markii uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu amray in agabyada ka soo degga Dekedda Boosaaso lagu canshuuro lacagta dollarka oo keliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here