Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Hiiraan (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya, dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Maanta duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed oo wada dega halkaasi.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Nagaarta oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana uu salka ku haaya Baraago iyo lahaansho deegaan, dhowr jeer oo horey sidaan oo kale ay dagaallo uga dhaceen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka inta la xaqiijiyay hal ruux uu ku geeriyooday saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaadood ah maleehiyaadkii dagaalamay.

Labada maleeshiyo Beeleed ee uu dagaalka dhex-maray ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana dagaalkooda uu yahay mid dhowr jeer soo laab laabtay. Isla markaana uu buray heshiis la kala dhex-dhigay.

Si kastaba, 30-kii Bishii la soo dhaafay ee November 2020 ayaa Saraakiisha qeybta 27aad iyo taliyeyaasha Booliska degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee Gobolada Galgaduud & Hiiraan waxaa ay ku guuleysteen inay heshiis dhex-dhigaan labada Beelood, hayeeshee markale uu dagaalkooda soo cusboonaaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here