Faah-faahin ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay G/Gedo

Gedo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ,kaasi oo ka degmo ka tirsan gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Dadka degmada Ceelwaaw ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay maadaama inta badan Saldhigyada Ciidamada aan loo dhawaan Karin.

Wararka ayaa ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya intii uu dagaalka socday ay rideen tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo ku dhacay duleedka degmada Ceelwaq, kuwaas oo aan geysan wax khasaaro ah.

Ilaa iyo hadda weli kama hadlin saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq, waxaana lagu soo waramayaa in Isniintii maanta Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here