Garoowe (Halqaran.cpm) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb-galayay dood ka socota Shirka Garoowe ayaa sheegay in uu raali gelin ka bixinayo hadalkii u horay u sheegay ee uu ku taageerayay dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo.
Hadalkaas oo ahaa in Madaxweyne Farmaajo uu wareeja 1aad ee doorashada uu kusoo bixi doono sida dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed oo ay kusoo baxeen Madaxweynayaal taageersan dowladda, kaas oo uu ka sheegay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka.
“Waxaan rabaa inaan rali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo hadal aan horay u iri ee ahaa Wareega koowaad, Arrinta wareega 1aad raali-gelin iyo xal baan ka bixinayaa, musharixiinta ha biqinina xaal ban ka bixiyay wareega 1aad garoonkana wuu noo furan yahay ee aan u diyaar garoowno doorasho nabad ah‘‘ ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Si kastaba, hadalka uu Maanta raali-gelinta ka bixiyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa markii uu sheegay waxaa fal celin ka bixiyay qaar kamid ah Midowga Musharixiinta & Xubnaha Mucaaradka, iyaga oo sheegay in Mahdi Guuleed uu si horudhac ah ugu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu boobayo doortashada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com