Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in Shir la isugu yimaado

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku fashilantey Arrimo badan oo masiiro u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Deni oo hadal ka jeediyay xeritaanka Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku fashilantay Dowladda Soomaaliya ay kamid yihiin, qabyo-tirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah, Heritage nidaamka Federaalka, amniga iyo xasilinta dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble in la isugu yimaado shir lamid ah kii 17-kii September si looga heshiiyo madmadowga ku geedaaman doorashooyinka dalka.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli aan wax xal ah laga gaarin Arrimaha doorashooyinka, isla markaana musharixiinta ay kasoo horjeeda inay doorashooyin qabtaan Guddiga ay Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here