Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka hadlay Doorashada Soomaaliya

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaridka ah inay faraha kala baxaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isaga oo farriinna u diray shaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee halkaas xilalka u doonanaya.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu gef iyo deelqaaf cad ku tilmaamay in madaxda iyo mucaaridka Muqdisho isku raacsan yihiin in dad Banaadir ka dhex xoogsada lagu ay noqdaan Baarlamaan metela dadka reer Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu Soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland ka soo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel ka dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in shaqsiyaadka Somaliland ka soo jeeda ee Xamar dhex joogaa kaliya halkaas u joogaan inay kasoo shaqaystaan, xoolahooda iyo maalka ay soo helaanna ay Somaliland kula soo noqdaan.

“Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan.” ayuu yiri mar kale Muuse Biixi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here