Madaxweynaha Galmudug ”Ma dhacayso doorasho aysan ka qeybgaleyn Puntland & Jubbaland”

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa meesha ka saaray walaaca la xiriira in dalka laga qabo doorasho aysan u dhameyn maamulada dalka ka jira.

Qoorqoor oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga BBC-da ayaa sheegay, in aysan jirin suurtagalnimada dalka inay ka qabsoonto doorasho maamullada Jubbaland iyo Puntland ka maqan yihiin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in wali inay socoto xalinta tabashooyinka ay soo jeediyeen maamullada Jubbaland iyo Puntland ee arrimaha doorashada la xiriira.

Sidoo kale, Qoorqoor ayaa sheegay in wali ay ku hawlan yihiin sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka arrimaha doorashada.

Madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeybgaleynin doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeygalo ayaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin ku saabsan maamulka doorashada waa in la xalliyo markaa doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto ama mid ay ka maqan yihiin sababna ma jirto maxaa yeelay mar walba waxaa laga hadlayay tabashooyinkii jiray in la xalliyo doorashadana ay waajib tahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Si kastaba, Waxaa khilaaf xoog leh ka taagan arrimaha doorashada Soomaaliya oo aan wali laga heshiin, xilli muddo xileedka Madaxweynaha hadda jooga Maxamed Cabdulaahi Farmaajo maalmo ay ka harsan yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here