Ra’iisul Wasaare Rooble oo wasiiru dowlaha Xafiiskiisa u xil saaray dar-dar-gelinta doorashooyinka

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiskiisa Cabdi Xakiim Xasan Ashkir u xil saaray dardar gelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Xilli uu weli muran xoogan ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka ayaa Cabdi Xakiim Xasan Ashkir waxaa loo xilsaaray isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka.

War qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la faray Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in uu dardar geliyo howlaha loo igmaday ee ah isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka.

“ Iyda oo laga amba qaadayo habraaca hirgelinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 2021 ee guddiyada heer federaal, xalinta khilaafaadka ee heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federal lana meelmarinayo qodobada heshiiskii Muqdisho lagu gaaray 1-kii Bishii Semtember ee la xiriiray doorashooyinka  ayaa waxaa Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo xil saaray dardar gelinta & taaba-gelinta howlaha doorashooyinka‘‘ waxaa sidaan lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, tallaabada uu uu qaaday ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor uu ku dhawaaqay hirgelinta iyo bilaabida doorashooyinka oo uu weli muran ka taagan yahay, hadalkaas oo ay kasoo horjeesteen Midowag Musharraxiinta iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here