Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiistii maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.
Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaya sidii xal loogu heli lahaa muranka doorashooyinka.
Sidoo kale, xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa ay la kulmeen Midowga Musharixiinta iyo qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com