Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii la soo dhaafay martigaliyay Qaxootiga faraha badan.
War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dalalka ay ka yimaadeen ka jireen dhibaatooyin dhanka Amniga.
In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah, isla markaana ka kala socda wadamada Ethiopia, Syria iyo Yemen, ayaa sanadkii 2020 yimid gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo nabad galyo doon ah, sida ay sheegtay heyada UNHCR .
Goballada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan
Ugu dambeyn, Hay’adda UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2014-kii ay Soomaaliya dib ugu laabteen 90,000 oo Soomaali ah, kuwaas oo horay wadamo kale qaxooti ahaan ugu tagay
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com