UPDATE: Faah-faahin ka soo baxeysa dagaal ka socda duleedka Bacaadweyne

Mudug (Halqaran.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal saacado ka hor ka bilowday duleedka Magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa dadka deegaanka, Ciidamada Galmudug iyo Mililteriga Dowlada oo isku dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii dhowr hoobiye lagu tuuray magaalada Bacadweyne afafkeeda hore, waxaase madaafiicdaas ku baxay Ciidamada halkaasi ku sugnaa, iyagoona dagaal la galay Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale dadka degaanka ayaa dagaalka ku biiray.

Goobjoogayaal ku sugan Degmada Bacaadweyne ayaa soo sheegay in hadda uu dagaalku ka socdo meel aan sidaasi uga dheerayn deegaanka Camaara, isla markaana ay Ciidamadu baacsadeen kooxdii weerarka soo qaaday.

Waxaa magaalada Bacaadweyne ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Sanetor Cabdi Qeybdiid, Xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Saraakiil Ciidan oo kala socda Galmudug iyo Federalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here