Wel-Welka maanta ee Xaaladda Af Soomaaliga!

Waa Diyaariyaha Maqaalka: Mohamed Abdullahi Abdirahman /Halqaran News

Maqaal (Halqaran.com) – Haddii aan rabno inaan u istaagno, oo aan u guntanno sidii aynu wax ugu qaban lahayn horumarinta iyo casriyaynta  afSoomaaliga waxaa lagama maarmaan ah saddex arrimood inaan maanka ku hayno:

  1. Af Soomaaliga inuu yahay afkeenna rasmiga ah, loona baahanyahay inaan sii casriyayno oo aan cilmiyayayno, una adeegsanno tiknoolojiyada iyo culuumta. Waa inaynu ku qanacnaa inuusan jirin  af kale oo aan ku doorsan karno.
  1. Lehjaddii hore ee la rasmiyeeyay waxay ahayd tii gobolada dhexe ee Soomaaliya, taasoo lagu qotomiyey xuruufta haatan afsoomaaliga lagu qoro. Lehjadaha kale waxay leeyihiin xuruuf iyo dhawaaqyo u gaar ah, qoraalkoodana laguma heshiin. Waa inaynu ku adkeysanaa in lehjadda hore, oo saldhig looga dhigay waxbarashada dugsiyada iyo hawlaha kale, inay ahaato midda aanu adeegsanayno ( Standard Somali) {SS}
  1. Afsoomaaliga waa ka sal ballaaran yahay lehjadda qoraalka loo doortay, ujeedka loo doortayna Standard Somalia ma aha in afsoomaaliga lagu kobo ereyada ku jira lehjaddan oo keli ah, ee  waa furihii lagu gaari  lahaa hodontooyada lehjadaha kale ee AfSoomaaliga.

ADEEGSIGA HABBOON EE AF-SOOMAALIGA:

Sida ay caadadu tahayba horumarinta afafka iyo tayoobidoodaba waxaa dhaliya qoreyaasha, gabayeyaasha, suugaanleyda, warfidiyeenka iyo dadka la yiraahdo “ Maandheerayayaasha”

dhidibada ay qoladan u aaseen rukunnada afafka , oo dadku ku jaangoostaan, waa dhabbe ma guuraan ah. Illaa maantadan aynu joogno afafka Giriigii hore iyo roomaankii  waa lagu hirtaa oo waxaa la yiraahdaa weedhaas Plato ama Seneca ayaa yiri, ama Virgillius Cicero ama horatius. Waa marjaciyadda sababtay afafkaas inay maanta noolyihiin, lana barto ( inkastoo dadwaynuhu ku hadlin) saamayna ku leh horumarinta cilmiga iyo suugaanta.

Innagu afkeennii la rasmiyeeyey dib- u- dhac baa meelo badan ugu yimid, markii la siyaasadeeyey, loona yeelay midab qabiil. Dadka qaarkii ay u arkayaan in af gurigooda uu mudnaan ka leeyahay, ama xitaa  jees-jees iyo dhaadhaajin laga dhigto, kuwa kalena yiraahdaan afkanaga Af-Soomaali maba aha, iyagoo caddayn cilmi ku dhisan u hayn doodooda. Dadka sidaas u fekeraya ma oga in haddii afka la siyaasadeeyo, oo la waayo afkii ama lehjaddii la rasmiyeeyey wax walba ay faraha ka baxayaan, oo fasakhamayaan, sida siyaasadda ay u fasakhantay, oo u jiha-waraeertay.

Markii la qoray kadib 1972kii, AfSoomaaligu ma helin kansho uu ku hufmo, kuna tayoobo. 18 rasmiyayntii kadib qaran jabkii baa dhacay. Inkastoo buugaag iyo qoraallo badan la qorey, ma jirin xaruumo lagala socdo  dagaalada la gelshay qoraalladaas, mar haddii ay meesha ka baxeen oo ay suuleen wasaaradihii iyo akadeemiyadii ku howlanaa horumarinta Afka.

Waa arin loo ryaaqo in dalal badan maanta lagaga hadlo AfSoomaaliga , qaarna uu noqday luqadda rasmiga ah oo ay xukuumaduhu ku shaqeeyaan. Weliba ay jiraan idaacado badan ee dunida wararkooda AfSoomaali ku baahiya.

DHALIILAHA QAAR EE MAANTA JIRA:

Waxaa aad u baahsan inaan lakala saarin qodobka magaca raacaya, lab iyo dheddigba, kala soocaas oo aad u fufud. Marar badan waxaad maqlaysaa: ururkii guul bay la kulantay. Halkan ulama jeedo ereyo dhowr ah dadku marna qodob dhedig raaciyaa,  marna mid lab, sida: Guddida iyo Guddiga, inkastoo ay labada dhawaaqba ay bannaanyihiin{ Afcarabiguba wuxuu leeyahahay qudhiisu ereyo qaata qodob lab iyo dheddig, sida: Ruux, dariiq, beded, xarbi iyo kuwo kale}

Sifooyin iyo macagyo aan sheegistoodu loo baahneen bay idaacaduhu adeegsadaan, gaar ahaan kuwa gudaha. Iyadoo aad mooddo in loogu gol-leeyahay buunbuuninta qofka magaciisa la xusaayo{ emphasis}, sida: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne fulaan baa ku filan, oo lagu koobo, dadkuna waa ogyahay in madaxweynuhu yahay kan waqti xaadirkan howsha haya.  Taas cagsigeeda waxaa u baahan in la balbalaarsho macagyada iyo iyo darajooyinka madaxweynayaasha iyo mas’uuliyiinta dadalka shisheeye, marka laga faalloonayo. Sidaa si la mid ah looma baahna in la yiraahdo: Muqdishu, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa ku filan in la dhaho: Muqdisho, waayo Muqdisho magaalo ku magac ah ma jirto.

W/D: Mohamed Abdullahi Abdirahman

1 COMMENT

  1. Ninka Maqaalkan u doodaya farta soomaaliga qoray, wuu ku mahadsan yahay in uu u danqado luuqaddiisa. Waxaase is weeydiin leh ma jiraan qaladaadka uu sheegayo. Tusaale:- Guddiga iyo guddiyada laba macno ayey kala leeyihiin taas ayaana ka dhigtay lab iyo dheddig. Madaxweeynaha ama caasimadda oo dalka ay yihiin la sheego waa muhiim waayo maanta waxaa jira da’yar badan oo qurbaha ku nool oo aan fahmayn haddii lasoo gaabiyo. Sidoo kale maqaalka waxaa aad uga buuxo qaladaad badan oo dhinaca higgaadda ah. Marka saaxiib sixitaanka hoos kasoo bilow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here