Warbixin: 30 sano kadib maxay Soomaaliya ka dhaxashay Rididdii Maxamed Siyaad Barre?

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre /SOMALI ARCHIVE

Muqdisho (Halqaran.com) – Soomaaliya waxaa manta u buuxsantay 30 sano oo laga joogo malintii Muqdisho laga qabsaday dowladdii militariga ee Maxamed Siyaad Bare uu hoggaaminayay.

Wixii ka dambeeyay 26-kii January, 1991, Soomaaliya waxay lugaha la gashay colaado sokeeye iyo dagaallo kale oo sababay Macluul iyo gaajo, qax, barakac iyo dhimashada dad badan.

Dhowaanahan waxaa dalka isku soo bedelay dowlado federal ah oo sameeyay xoogaa horumar iyo dib u dhis, balse ururo Islaamiyiin ah oo caqabad ku haya ayaa laga riixay inta badan magaalooyiinka waaweyn.

Haddaba aan eegno marxaladihii ugu waaweynaa ee dalka uu soo maray muddadaa 30-ka sano ah:

1991-1993

Soomaaliya, dagaallo muddo socday kaddib guud ahaan dalka, jabhado hubeysan ayaa bilowgii 1991 ayaa qabsaday caasimadda Muqdisho iyagoo xukunka ka tuuray, madaxweynihii muddada dheer dalka maamulayay, Generaal maxamed Siyaad Barre.

Matt Bryden oo ka tirsan machadka cilmi baarista Sahan wuxuu sheegay in la filayay in xaalad cusub oo wanaagsan ay u billaabaneyso Soomaaliya.

“Waxay u ekeyd dareen neecaw leh. Kali taliski waa laga takhalusay. Cabsi ayaa jirta. Halis ayaa jirta. Laakiin sida in arrimuhu hagaagayaan oo bog cusub u furmayo taariikhda Soomaaliya”, ayuu u sheegay BBC Somali.

30 sano ka dib waxaa laga dhaxlay, haaro iyo dhaaawacyo aan tirmeyn, burbur aan dhayal ku dhismeyn, maamullo itaal daran, iyo kooxo diimeedyo mayal adag.

Maaalmihii ugu horreeyay ayaa lasii maleyn karay inuu qarankii iyo dowladnimadii wali curdunka ahayd ay ceel fog ku dheceen.

Howlgalkii Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa, ayaa fashilmay ka dib iska caabin adag oo ay kala kulmeen malleeshiyaad. (Sawirka 1993) / GETTY IMAGES

Barfasoor maxamed Cumar Dhalxa waa siyaasi aan marna dalka ka qixin, una soo joogay dhammaan colaadihii dhacay. Wuxuu xildhibaan yahay tan iyo dowladdii Carte, ka horna wuxuu ahaa nabaddoon.

Wuxuu BBC Somali u sheegay: “Qabiillo hubeysan oo waxay doonaan sameeya ayaa soo baxay, waxaa dhibaatadaa ku waayay wax kasta haddii ay tahay ciso, shaaf iyo hanti. Wax kasta oo qofka muwaaddinka ah uu xaq u lahaa ayaa Meesha ka baxday”.

Colaad sokeeye maaha marki ugu horreysay ee Soomaalida ay dhexmarto, laakin hubka casriga ah wuxuu sababay in wakhti kooban ay ku dhintaan kumanyaal qof oo dhiiggu qulqulo magaalada muqdisho dhexdeeda. Holaca iyo sunta baaruudda ayaa naafeeysay da’yar aan waxba galabsan, hooyooyin, carruur iyo waayeel.

Hardankii kooxaha waxa uu dhalay masiibo bini’aadannimo. Boqollaal kun ayaa gaajo u dhimatay. Dunidu gurmad noociisa kii ugu horreeyay ayaa la soo diray si loo caawiyo dadkii ku gaajeysnaa Soomaaliya.

Maxamed Faarax Ceydiid wuxuu hoggaaminayay dagaalkii Muqdisho looga qabsaday maxamed Siyaad barre iyo midkii ciidamadii Qaramada Midoobeey ee 1993. /GETTY IMAGES

Matt Bryden wuxuu yiri: “Waxay ahayd bishii Decembetr ee isla sannadkaas. Sideed ama sagaal bilood ka dib oo aan gargaar ballaaran gaarsiinay, dhab ahaantii”.

“Qaramada Midoobey way isku deyday. Safiirkii 1992-dii, Maxamed Sutton, oo ahaa wakiilkii gaarka ee Qaramada Midoobey ayaa isku deyay in uu wadahadal ka galo sidii loogu fasixi lahaa in ay isticmaalaan dekadaha Soomaaliya”, ayuu hadalka ku sii daray.

Ciidamo gaar ah ayaa lagu soo daray “Waxaana la siiyay waajibaad ah inay gargaarka dadka gaarisiiyaa wax kasto ay ku qaadato – waa sida ku qornayd qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay”, sida uu sheegay Bryden.

Guddiyo dhexdhexaadiya dhinacyadii is dirirayay ayaa iyana Muqdisho gaaray si xabaddu u istaagto.

Ganaraal Maxamed Faarax Ceydii oo hoggaanka u hayay Jabhadihii dowladda riday ayaa yiri: “Waxaan ku baaqay – sida go’aanka guddigu fulintu qabaan – 5 jeer – xabad joojin – sababtoo ah nadab ayaannu dooneynaa.” Xilligaas waxaa bilowday dagaallo u dhexeeyay jabhadihii meesha ka saaray dowladdii militariga.

Ninkii ay is hayeen Caydiid oo ahaa Cali Mahdi Maxamed – Madaxweynihii ku meelgaarka ahaa ee Soomaaliya ee la doortay ka dib markii dowladdii ay burburtay – wuxuu yiri:

“Waxaa dhacay in ay odayaal isku shuqleen in la joojiyo dagaalka, si loo gaaro nabad laakin nasiib darro – laakin ninkakan kaligii taliyaha ah ama ninkan madaxa adag.”

Cali Mahdi (midig) oo madaxweyne loo doortay ka dib markii ay burburtay dowladdii militariga wuxuu dagaal culus la galay Maxamed Faarax Ceydii (bidix). / GETTY IMAGES

Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.

Ceydiid wuxuu xilligaas haysta qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen.

Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60d kale ayaa la dhaawacay.

Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.

3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.

Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan.

Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.

50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.

Diyaaraddii Black Hawk oo ku duuleysay Muqdisho dusheeda (1993) / Photo Credit: ALEXANDER JOE

Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.

Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).

Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday.

Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.”

1994-2011

Shirar dib u heshiisiin oo is xigxigay oo ka dhacay meelo kala duwan ayaa Soomaaliya loo qabtay, inta badan ma mira dhalin.

Ku dhawaad 20 sano kaddib burburkii qaranka, shirkii Carta ee Jabuuti ayaa lagu doortay madaxweyne ku meel gaar ahaa – waxaa loo doortay Cabdiqaasim Salaad xasan. Waxaa dhidibbada loo aasay qeyb ka mid ah dowladnimada cusub ee Soomaaliya.

Sannadkii 2004 ayaa dib u heshiishiin kale oo la xiriiray nidaamka federaalka ee maanta jira lagu soo unkay dalka deriska ah ee Kenya.

Dowladdii la soo dhisay mucaarado hubaysan iyo hoggaamiye kooxeedyo ayaa ka horyimi. Waxayna markii dambe dagaal culus la gashay Midowgii Maxaakiimta oo ahaa urur Islaami ah oo ka sameysmay muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya u galay si ay u taageeraan dowladda ay Qaramada Midoobeey taageerto oo 2006-dii dagaal adag kala kulantay Midowgii Maxaakiimta. / Photo Credit: AFP

Waxay ahayd xilli ay dib u soo noqotay taariikh hore oo colaadeed – gumac iyo baaruud – waxaa suuragal ah in kuwii gaashaanka u hayay dagaalladdii maxaakiimta ay hoggaaminayeen, ay dhasheen ama aad u yaraayeen sannadkii 1990-maadkii, markii ciidamada shisheeye ay dalka sida weyn u soo galeen.

Waxaa xilligas fashilantay xabad joojin la dhex dhigi lahaa maxaakiimtii iyo dowladdii uu hoggaaminayay Cabdullaahi Yusuf Axmed.

“Wadahadalladu waxa ay u guuleysan waayeen waa laba arrin dartood; kow, Maxakamadaha waxaa ku dhex jirtay Alshabaab oo aan oggoleyn wadahadal, oo aan aminsaneyn Soomaaliya xuduudaheeda in lagu ekaado, dowladnimada soomaaliyeed in la shido aan aaminsaneyn ayaa ka mid ahaa.” ayuu yiri Cabdiraxiim Cadow oo ahaa afhayeenkii Maxaakiimta.

“Dabcan dowladdii markaa wadahadalka lala galayayna (waxaa la socotay) Itoobiya oo hadafkeedu ahaa in ay muqdisho timaaado – qoladaasna waxaa daba taagnaa Itoobiya, qolodaanna Shabaab – waxaan aaminsanahay in sababtaa uu wadahalku ku fashilmay.”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminayay Midowgii maxaakiimta ayaa hadal ka jeediyay Jowhar ka dib markii ay qabsadeen (sannadkii 2006) / GETTY IMAGES

Sannadkii 2007-dii, mar kale, Muqdisho waxay magan u noqotay madaafiic iyo duqeymo shisheeye. Markan wuxuu bartilmaameedka ahaa kooxo muqaawado ahaa oo dagaal kula jiray dowladda iyo ciidamadii Itoobiya ee caawinayay. Sidoo kale waxaa meeshaas ka soo dhexbaxay ururka Al-Shabaab.

Laakin khasaaraha inta badan wuxuu soo gaaray rayidka. Dagaalkaas waxaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa muddo 15 sano kaddib burburkii qaranka eek a dhacay caasimadda. Kumanyaal ayaa ku dhimatay, kumanyaal kale na wey ku dhaawacmeen, boqollaal kun oo kalena way ka qexeen waxayna ku reebtay mahadho.

Heshiis lala galay qaar ka mid ah xubnihii hoggaaminayay midowgii maxaakiimta, oo magaalada Casmara ee dalka Eritereya u cararay ka dib markii laga adkaaday, ayaa sababay in 2009-kii jabuuti lagu doorto madaxweyne kale oo ku meel gaar ah.

Waxaa madaxweyne loo doortay Gudoomiyihii Midowgii Maxaakiimta, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana la kordhiyay tiradii Baarlamaanka Soomaaliya.

2012 iyo sanadihii ka dambeey

Ka dib 22 sano oo marba dal daris ah lagu soo dhaarinayay golaha sharci dejinta Soomalaiya; 20 August 2012, maalin isniin ah, waxaa munaasibad taariikhi ah lagu qabtay barxad furan oo ku taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo lagu dhaariyay xildhibaannada dowladii rasmiga ahayd ee ugu horreysay.

Xafladdaa amnigeeda waxaa sugayay ciidamo ka socda Midowga Afrika oo nalalka gawaaridooda gaashaaman lagu ifiyay goobta markii uu ilayska maalmeed dumay.

Hadda waxaa inta badan xarumaha muhiimka ah ee dowladda ilaaliya ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Midowga Afrika./ GETTY IMAGES

Axmed Ismaaciil Samatar oo doorashadii 2012-kii ahaa musharrax Madaxweyne wuxuu yiri: “Baarlaman cusub in la yeesho oo caawa la dhaariyo, waa wax imbadan la sugayay, rajaduna waxa ay tahay baarlamankaa cusubi inuu keeno talo wanaagsan xukun wanaagsan iyo madax cusub oo wanaagsan”.

Waxaa si rasmi ah u soo afjarmay dowladihii ku-meel-gaarka ahaa ee Soomaaliya, ka dib sideed sano oo is-qabqabsi siyaasadeed jiray.

Waxaase ammaanka ka sockow wali rahman in laga gungaaro, qodobo waaweyn oo ay ka mid yihiin, dhammeyntirka dastuurka, hirgelinta nidhaadka federaalka iyo dib u heshiisiin baahsan.

Fowziya Xaaji Aadan, oo ahayd haweeneydii ugu horeysay ee noqotay wasiirkii arrimaha dibadda iyo ra’iisul wasaare ku xigeen waxay BBC Somali u sheegtay in rajada ay ahayd mid dhalaaleysay oo ifeysay.

“Soomaaliya dariiq saxda ah ayay markaa cagta saartay. Dalal badan, oo jaarka ha noqdaan ama dibadda ha noqdaane, waxaad moodeysay in xoogaa dadaalku ha isku jira e’ in ay san rumeysneyn in Soomaalia ay mar uun duuli doonto, oo mar walba waa laga walwalsanaa – donnidaasi in ay rogman doonto iyo in ay horay u socon doonto”, ayey tiri.

Sannidihii ka danbeeyay waxay sawirayaan in doonnida siyaasadeed ee Soomaaliya ay gaabis ku socotay oo jamalla waaweyna ay wali ku gudban yihiin.

Maxamed Cumar Dhalxa oo colaadahaas oo dhan u soo taagnaa wuxuu yiri:

“Waddankii mar walba waxaa la dhiirragelinayay waxyaabaha xunxun: qabyaaladda, musuqmaasuqa, eexda – ma garatay – caddaalad darrada, yacni illaa xataa nidaamka dowladnimada nooga dhigan uu noqdo mid xaqdarro ku dhisan oo 4.5 ah.”

Soddon sano kaddib, maxaa Soomaaliya horyaalla oo lagu guuleysan karaa ama caqabad noqon kara sanadaha soo socda?

Fowziya Xaaji Aadan waxay iri: “Waxaa loo baahan baahan yahay in laga gudbo qabiil dastuurkana la dhammeeyo. Labadaa haddii laga baxo Soomaaliya horay ayay u soconeysaa”.

Afartii sano ee xukunka loo igmaday madaxweynaha 9-aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxa ay ku egtahay 8-da Febraayo, illaa haddana heshiis lagama gaarin sida doorasho ay dalka uga qabsoomeyso. Waa astaan kale oo muujineysa xusuusta 30 sano oo Soomaaliya ay ku jirtay hubanti la’aan siyaasadeed.

Xigasho – BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here