DHAGEYSO: Madaxweynihii hore ee Puntland oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas/Sawir hore

Gedo (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay gobolka Gedo, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland.

Dr. Gaas oo la hadlay mid kamid ah Telefeshinnada ka howlgalla dalka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in xilligaan dhiig Shacabka Soomaaliyeed lagu daadiyo gobolka Gedo, iyada oo lag heshiin karay.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe labaduba ay tagyaan, hayeeshee waxa dhibka ugu badan uu gaarayo ay yihiin dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolka Gedo.

“Waa nasiib darro in saacadaan colaad aan micno ku dhisneyn ay u dhintaan dad Soomaaliyeed, Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe labaduba gobolka Gedo mas’uuliyad ayaa ka saaraan ee waa inay ka heshiiyaan‘‘ ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Si kastaba ha’ahaatee, caqabadaha ugu weyn ee xilligaan dalka kajira ayaa waxaa ay noqotay arrinta Gobolka Gedo oo tiro laba jeer ah ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda ay goblkaasi geysay iyo kuwa Jubbaland oo doonaya inay la wareegaan degmada BeledXaawo.

Halka hoose ka dhageyso Codka Dr. Cabdiweli Gaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here