Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dolad Goboleedka Jubbaland Axmed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka yimid dhinaca magaalada Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Galmudug.

Madaxweynaha dolad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-geli doona shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyada oo amniga siwyen loo adkeeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here