Muqdisho (Halqaran.com) – Kaddib markii uu fashil iyo natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday Shirkii Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay Madaxda DF Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir ayaa waxa ay Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ka dambeeyaan dowlado Shisheeye.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay in sababaha shirka uusan ka soo bixin wax natiijo ah ay tahay, kadib markii qodobbada qaar uu ka socon waayay dhinaca Maamulka Jubbaland.

Wasiir Dubbe ayaa dhinaca kale sheegay in shirka sidoo kale uu ka socon waayay dowladdo shisheeye oo uu sheegay in aysan dooneyn in doorasho ka dhacdo Soomaaliya, walow uusan shacin dowladahaas uu ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb.
Ugu dambeyn, hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee DF Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhowr jeer dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya.
Halka hoose ka dhageyso Shirka Jaraa’id Wasiir Dubbe:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com