DHAGEYSO: DF Somaliya oo sharci darro ku tilmaamtay hadaladii ka soo yeeray Xubnaha Mucaaradka

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimu & Shirka Jaraa'id ee maanta

Muqdisho (Halqaran.com) – DF ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabatay hadalo ka soo yeeray xubnaha mucaraadka oo sheegay in aysan Maxamed Cabdulahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya.

Musharraxiinta mucaaradka ah iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa sheegay in mar haddii ay dhammaatay muddo xileedkii xukuumadda federaalka ah ee dalku aanay aqoonsanayn sharciyadda madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.

M. Macallimu ayaa intaa ku daray in uu jiro qaraar iyo xeer ay horey u soo saareen golaha shacabka kaasi oo dhigaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan ilaa kuwa kale laga soo doorto.

”Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid‘‘ ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa farta ku fiiqay in ilaa laga helayo madaxwayne iyo baarlamaan la soo doortay madaxda joogta ay xilka sii hayn doonaan.

”Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya baarlamaanka hadda jira” ayuu intaa ku daray Mr Macallimu.

Ugu dambeyn, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wadahadalo lagu xalinayo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Afhayeenka Xukuumadda Macallimu.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here