Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay Taliyeyaasha ciidamada Daraawiishta Galmudug

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20/2/2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wareegtada ayaa u qorneen sida hoose ku xusan:

Madaxweynuhu: Markuu arkay; awoodda uu siinayo dastuurka & ahmiyada ay leedahay in la  magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka

Wuxuu u magacaabay saraakiishan;

  1. G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug
  2. G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre),Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug.

Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here