DF Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Imaaraadka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda isutaga Imaaraadka Carabta inay faragelin ku heyso arrimaha Gudaha Soomaaliya, isla markaana ay dalka fowdo ka abuureyso.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbbe oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in tan iyo markii shaqaaqooyinka ay ka dhaceen Caasimadda ay soo gaarayeen qoraalo kala duwan oo uga imaanayay dalal dhowr ah, kuwaas oo ka hadlayay xaalada ka jira Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in imaaradka Carabta ay soo saareen qoraal mugdi gelinaya Midnimada Soomaaliya, ayna aqoonsaneyn dowladda Soomaaliya, kaas oo Imaaraadka ay DF Soomaaliya ku tilmamtay mid ku meel gaar ah.

Mr. Dubbe ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay dooneyso in Soomaaliya ay noqoto sida dalalka Yemen iyo Libya oo ay ka jiraan dowlado rayida ah oo KG ah, sidoo kalena dalka ay ka abuurayaan fowdo iyo barakac.

“Qoraalka Imaaraadka waxaa uu caddeynayaa in saraakiisha arrimaha dibadda imaaraadka ay qeyb ka ahaayeen dibindaabyada sanadihii la soo dhaafay lagu haayay Soomaaliya, taas oo sicad uga hor-imaaneysa qeynuunka Caalamiga ah, waxaan waqtiga loo baahdo iyada oo cadeymaheeda wadata soo bandhigi doona hay’adah qusyeso‘‘, ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in warqadaan ka soo baxday imaaraadka ay Soomaaliya xasuusisay maalmihii la saxiixay heshiiskii doorashada ee 17-kii September in qaar kamid ah mas’uuliyiinta saxiixay heshiiska ay u safreen imaraadka, dibna ugu soo laabteen, iyaga oo wata shuruudo cusub wata marwalbana keenaya colaado cusub.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Dubbe ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay fahmaan waxa lala damacsan yahay oo ah in uu dhaco dagaal sokeeye si dhulkooda iyo baddooda oo hadaba muran la geliyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here