Madaxweyne Joe Biden oo ku dhawaaqay in musiibo daran ay ka jirto qeybo ka mid ah Mareykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden

Texas (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay musiibo in ay ka jirto gobolka Texas, iyadoo diiradda la saarayo waxa sababay dhibaatada  cimilada ka jirto gobolkaas.

Korontada ayaa dib ugu soo noqoneysa Austin, kadib maalmo qabow daran uu ka jiray halkaas, balse dukaamada waa weyn oo maran oo sahayda aasaasiga ah oo adag in la helo.

Madaxweyne Biden ayaa saxiixay bayaan muujinaya in gobolka Texas ay ka jirto musiibo, waxaana uu u oggolaandoonaa in badan oo ka mid ah Texas in ay ka faa’ideystaan keydka gaarka ah ee Federaalka.

Gobolka Texas ayaa ka soo kabanaya duufaantii ba’neyd ee xiliga qaboobaha oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, waxaana gobolkaan  muddo ka jirtay koronto la’aan iyo qabow.

Waxaana la is weydiinayay cidda qaadeysa mas’uuliyadda balaayiin doolar oo wax yeelo ka soo gaartay musiibadii ka dhacday gobolkaas.

Koronto la’aanta Texas ayaa keentay dhibaatooyin farabadan taasoo keentay in dadka dagan gobolka labaad ee ugu dadka badan Mareykanka ay waayaan kuleyliye, dhowr qof ayaa ku dhintay, kadib isku dayo quus ah oo ay ku doonayeen in ay isku kululeeyaan, waxaana ka mid ah dadkaas haweeney 75 jir ah iyo seddex caruur oo ay ayeeyo u aheyd, kuwaasoo gurigii ay degenaayeen uu ka kacay dab xoogan.

Guddoomiyaha gobolka Texas, Greg Abbott ayaa sheegay in uu qaban qaabinayo shir deg-deg ah oo uu la yeelanayo sharci dajiyaasha gobolka si looga wada hadlo dhibaatada gobolka ka jirta, isagoo ku yiri bayaan uu soo saaray “waa wax aan la aqbali karin in dadka reer Texas maalmo badan lagu silciyay qabow daran oo aan laheyn koronto iyo kuleyl.”.

Sayid Omar Hajji –Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here