Qorshaha cusub ee R/wasaaraha Ingiriiska ‘Boris Johnson’ ee ku aadan talaalka Covid-19

Ra'iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska, Boris Johnson, Photo Credit: REUTERS/Hannah McKay

UK (Halqaran.com) – Qof kasta oo qaan gaar ah oo ku nool wadanka Ingiriiska ayaa waxa uu heli doonaa ugu yaraan qiyaasta hal xabo oo talaalka caabuqa “COVID-19ka” ah dhamaadka bisha Luulyo, sidaas ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Boris Johnson.

Bartilmaameedka talaalka cusub ayaa qeyb ka noqon doona qariiradda cusub ee Ra’iisul Wasaaraha  mudada dheer laga sugayey ee ku aadan yareynta xayiraadaha uu sababay safmarka caabuqa COVID-19.

Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay horay u sheegtay in ay rajeyneyso in ay gaarto dhammaan dadka da’doodu tahay 18ka iyo wixii ka weyn, Mr Johnson waxa uu u jeedkiisu yahay dardar gelinta ololaha caabuqa COVID-19.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in uu Ra’iisul  Wasaaraha ku dhawaaqo in dadka ka weyn da’da 50ka ay qaadan doonaan wajiga ugu horeeya talaalka caabuqa COVID-19,  wajigaas oo la filayo in uu bilowdo 15ka bisha April, halkii uu bilaaban lahaa bisha May,  sida horey loo sheegay.

Mr Johnson waxa uu maanta la kulmi doonaa wasiiradiisa si uu u saxeexo faahfaahinta ugu dambaysa

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa kadib u soo bandhigi doona golihiisa wasiirrada qariirada wada xaajoodka ka hor inta uusan umadda la hadlin shir jaraa’id oo galabta telefashinka laga sii deyn doono.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here