Iran iyo hay’adda Caalamiga ee ilaalisa Nukliyeerka oo heshiis wada-gaaray

Calanka Iran oo ka taagan iridka hore Hay'adda Caalamiga ah ee ilaalisa Nukliyeerka ee IAEA xarunteeda weyn ee Vienna, Austria September 9, 2019. REUTERS/Leonhard Foeger

Tehran (Halqaran.com) – Xukuumadda Iran iyo hay’adda caalamiga ah ee ilaalisa Nukliyeerka IAEA, ayaa isku raacay talaabooyin ku meel gaar ah oo lagu jaan goynayo go’aanka Iran ee xaddidaya marin u helidda kormeerayaasha.

Madaxa IAEA Rafeal Grossi ayaa yiri, “ Tallaabadan waxa ay awood u siinaysaa hay’adda in ay sii-heysato heerka lagama maar maanka ah ee kormeerka iyo xaqiijinta”.  Kaamirooyin iyo aalado kale ayay IAEA dhigtay si ay gacan uga geysato in Iran aysan fulin howlaha Nukliyeerka ee lagu mamnuucay heshiiska.

Tan iyo markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka Iran 2018-kii waxaa ka dhashay xiisad u dhaxeysa Mareykanka iyo dowladda Iran.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Iran ku soo rogay cunaqabateyn dhaqaale, si Iran loogu qasbo in ay dib ugala xaajooto heshiiska, balse Iran ayaa ka soo horjeesatay soo jeedinta Mareykanka.

Waxaana xaalka sii cakiray dilkii loo geystay sargaalkii ugu sareeyay barnaamijka Nukliyeerka Iran bishii November ee sanadkii hore.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid loogu talagalay u jeedooyin nabadeed, balse Mareykanka iyo dowlado kale ayaa ka soo horjeestay in Tehran ay hesho hub Nukliyeer ah.

Si kastaba ha ahaatee, Iran iyo Mareykanka ayaa isku qilaafsan in cunaqabateenta laga qaado Tehran. Washington ayaa ku adkeesaneysa in Tehran qasab ku tahay in si buuxda ay ugu hoggaansanto heshiiskii 2015-kii marka hore, halka Tehran ay ku doodeyso in taasi dhici doonto oo kaliya marka cunaqabateynta laga qaado.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here