Mareykanka ”Madaxda DFS iyo DG waa inay xal deg-deg ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka”

Sii-hayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan QM, Richard Mills

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Richard Mills, ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in la xaqiijiyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Mr. Mills oo hadal ka jeediyay shirka Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay xal deg deg ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka kana Shaqeeyaan Nabadda dalkooda.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shaqaaqooyinkii ka dhacay 19-kii bishaan Muqdisho ay horseedi karto halis kale iyo in waddanka hubinti la’aan kale, taasina uusan aqbaleyn Mareykanka.

Sii-hayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay Richard Mills ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Maamul Goboleedyada inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo xal looga gaarayo doorashooyinka si looga badbaado halis soo wajahda dadka Soomaaliyeed.

Hadalka Richard Mills Sii-hayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay   oo aad u dheeraa ayaa waxaa uu sidoo kale ku sheegay in Al-Shabaab ay yihiin halis weli kajirta Soomaaliya, waxaana uu soo jeediyay in saddex kamid ah hoggamiyeyaasha Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagaxisada, kuwaas oo kala ah, Abuukar Cali Aadan, Macalin Aadan iyo Mahad Karate.

Ugu dambeyn, warkaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa ku soo aadayaa xilli weli aan wax heshiis rasmi ah ana laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana dhawaan shaqaaqooyin salka ku haaya doorashada ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here