Geerida Wiil 15 jir ah oo la raadinayo sababtii ka dambeysay

London (Halqaran.com) – Qoyska Wiil dhallinyaro ah oo Meydkiisa laga helay meel u dhow wado tareen, ayaa waxa ay codsanayaan in macluumaad laga siiyo sababta uu wiilkooda u dhintay.

Alfie Lowton, oo 15 jir ah ayaa laga helay waddada tareenka ee New Malden, Koonfurta London bilowgii hore ee bishaan.

Shaqaalaha gurmadka deg-dega ah ayaa tagay goobta, iyagoo isku dayay in ay bad baadiyaan nolosha Alfie, balse booliska Kingston ayaa goor dambe xaqiijiyay geerida Mr Alfie.

Booliska ayaa billaabay baaritaan la xiriira geerida Wiilka 15 jir ah.

“Waxaa nala soo wacay 6-dii galabnimo maalinnimadii Isniinta 8-Febraayo, si aan u helno warbixin ku saabsan wiil xaalad adag ku jiray oo aan hadli Karin, in kastoo uu helay daddaalkii ugu wanaagsanaa hadana waxaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday” sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlay booliska Kingston.

Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa, wiilkaan ayaa aaday beer loo nasasho tago, mana uusan soo laaban. Mana jiraan calaamado muujinaya in wiilkan la soo weeraray.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here