Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in la oggolaaday codsiga mucaaradka oo ahaa inay mudaaradaad ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Daahsoon.
”Xukuumadda Federalka Soomaaliya, iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka Qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u oggolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon”, ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda.
Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhammeystiran:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com