Amazon oo bedeshay astaanta App-keeda ugu weyn, kaddib markii ay ka dhalatay carro ballaaran

Bidix, Astaanta gefka ee loo ekeesiiyay Hitler, Middig waa Astaanta markii dib loo habeeyay ,Photo: AMAZON/PRESS ASSOCIATION

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkadda habka Online-ka wax ku iibiso ee Amazon ayaa si deg deg ah u bedeshay astaanta app-keeda ugu weyn ee laga dukaameysto, kadib markii dad ka falceliyay ay tilmaameen in markii app-ka dib loo naqshadeeyay loo ekeysiiyay Adolf Hitler, waxaana ka dhashay carro ballaaran.

App-kaan ayaa waxaa dib loo naqshadeeyay bishii Janaayo, waxaana loo ekeysiiyay shaarbihii uu caanka ku ahaa Adolf Hitler, balse markii ay ka dhalatay carro ballaaran oo ka timid dadka adeegsada, shirkadda Amazon ayaa bedeshay naqshadii mar kale.

Shirkadda Amazon ayaa BBC News u sheegtay in astaantii ugu horreysay laga tijaabiyay dalal dhowr ah, ka hor inta aan isbedelka la sameyn.

Amazon ayaa waxa ay caan ku tahay astaanta “Dhoola Caddeynta”, naqshaddan cusub ayaa waxaa ku jiray calaamad shaarbe u’eg, taasoo dadka qaar ay la xiriiriyeen hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler.

“Waxaan u qaabeynay astaanta cusub in ay abuurto rajo, raynrayn iyo farxad markii macaamiisheena ay billaabaan dukaameysiga” ayay ku tiri bayaan ka soo baxay shirkadda Amazon.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here