Somaliland oo war ka soo saartay Abaaraha iyo Doorashooyinka

Golaha Wasiirrada Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Fadhigii 71aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenkiisa, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta qabsoomay, ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, arrimaha doorashooyinka, abaaraha iyo arrimo kale.

Golaha wasiirradu ayaa ugu horreyn waxay fadhigii maanta ku lafo-gureen in la xoojiyo amniga waqtiga doorashada is-barkan ee wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland ka qorshaysan 31-05-2021-ka.

Waxa kale oo goluhu isla qaatay sida in shuruucda doorashooyinku dhigayo warbaahinta dawladda oo ah hanti qaran, ay dhex u noqoto xisbiyada qaranka, lana sii dardargeliyo wada-shaqayntii hore uga dhaxaysay xisbiyada qaranka iyo warbaahinta Xukuumaddu maamusho.

Sidoo kale, goluhu wuxuu go’aamiyey in guddidii abaaruhu dib u hawl-gasho, xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin, isla markaana soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen.

Goluhu isaga oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xiriira biyo yaraanta waqtiyada qaar waxay isla meel dhigeen in xukuumadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xireenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada abaaraha iyo biyo yaraanta.

Gabagabadii, goluhu ayaa isku raacay in si buuxda loo soo celiyo wacyigelintii ka hortagga xanuunka Covid 19 oo wakhtigan dunida ku soo laba kacleeyey, lagama maarmaanna ay tahay in bulshada lagu barbaarujiyo khatarta uu leeyahay xanuunkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here