Nin lugeeyay 420KM kaddib markii ay murmeen xaaskiisa!

Ninkaan ayaa lugeeyay 420KM kaddib muran uu la galay xaaskiisa

Italy (Halqaran.com) – Aadanuhu waa ay ku kala duwan yihiin hababka xakameynta carradooda, qaar baa markey xaaladdaasi galaan jecel iney iska aamusaan, kuwaa qeyliya kuwana waxa ay ka tagaan halkii ay ku carroodeen si ay isu dajiyaan waana tan uu sameeyay 48-jir u dhashay Talyaaniga.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa muran qaraar dhex maray isaga iyo xaaskiisa, markaas ayuu go’aansaday inuu ka tago guriga si uu isu soo dajiyo.

Todobaad markii uu lugeynayay ayaa ciidamo waxaa ay ku qabteen deegaanka Gimarra oo qiyaastii hoygiisa ka fog 418KM, taas oo ka dhigan in maalinkii uu lugeynayay fogaan dhan 60KM.

“Maalintii oo idil waan lugeynayay waxaan cunayey oo cabayey waxa ay isiiyaan dad samafalayaal ah oo aan waddada ku kulanay waan wanaagsanahay hadda kaliya waan daalanahay.” Ayuu yiri 48-jirkaan.

Booliska ayaa geeyay hotel uu ku nasto halkaas oo maalinkii xigay ay ka kaxeeysay xaaskiisa.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here