DAAWO VIDEO: Wasiir Dubbe ”Puntland iyo Jubbaland waa Jid iyo Jiho Diid aan doorasho rabin”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ka warbixiyey Natiijada Shirkii madaxda dowladda federaalka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo aan wax hehsiis ah lagu garin.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay Ummadda Soomaaliyeed u cadeyneyso in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin  in dalka ka dhacdo doorasho Aas’aaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn‘‘ ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ee XF Soomaaliya Cusmaan Dubbe.

Warar ay heshay Halqaran News ayaa sheegaya, in saacadihii hore ee Arbacada maanta ah in isafaham horudhac ah lagu gaaray shirka teendhada Afisiyooni, sida in qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta & guddoomiyeyaasha labada Aqal ka qeyb galan Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka.

Si kastaba, shirkii maanta ee Afisiyooni ku dhexmaray Madaxda DF Soomaaliya, Dowlad Goboledyda & Gobolka Banaadir ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, iyada oo lagu kala tegay.

Halka hoose Ka daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Wasiir Dubbe:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here