Salaad Roob-doon ah oo maanta laga tukaday Cadaado

Cadaado (Halqaran.com) – Shacabka reer Cadaado ayaa Sabtidii maanta iskugu soo baxay Salaad Alle looga baryayo in kuleylka uu uga qaado roobna uu siiyo.

Saddex maalin ka hor ayay ahayd markii maamulka degmada Cadaado uu shaaciyay in maanta la tukanayto Salaadda Roob-doon ah oo hal meel lagu wada dukado.

Culumaa’udiinka, qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa si isku mid ah uga soo qeyb galay dukashada Saladaan Roob-doonka ah, iyadoo dadka qaarkood ay Soomanayeen saddexdii maalin ee la soo dhaafay.

Sheekh Maxamed Khani oo kamid ah Culimada magaalada Cadaado, ayaa dadka ku waaniyay in ay Alle u toobad keenaan iskuna samraan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado, Cabdullaah Cabdiraxmaan Tootole, ayaa ugu dambeyn dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogadaan waxyabaha maanka dooriya iyo falalka anshax darada ah, Xilli qeybo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah goballada dalka ayaa waxaa ka taagan abaaro ay kaga horeyeen, xaalufin Ayax iyo colaado ay ku hayaan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here