Puntland oo 15 maxaabiis ah ku wareejisay dowladda Soomaaliya

Garowe (Halqaran.com) – Puntland ayaa wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ku wareejisay maxaabiis u xirneyd burcad badeednimo, kaddib munaasabad maanta ka dhacday magaalad Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Maxaabiistaan oo tiro ahaan gaareysa 15 rag ah ayaa waxaa xabsiga Garowe ku xirnaayeen in ka badan 10 Sano, waxaana Puntland horay ugu soo wareejiyay kadib heshiis dhex-maray Jasiirada Seychelles ,si ay xukunkooda ugu dhameystaan magaalada Garoowe.

Maxaabiista oo ka soo jeedaan deegaannada Galmudug ayaa Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug ay dadaal farabadan u galeen sidii Maxaabiista loogu soo wareejin lahaa, balse Puntland ay ogolaatay inay ku wareejiso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ku wareejiyay Maxaabiista, kuwaas oo la keeni doono Magalada Muqdsho.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Maxaabiista ay u gudbin doonaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si ay xukunka ugu dhammeystaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in maxaabiistan ay heli jireen xuquuqdooda isla markaana muuqaal ahaan ay aad u wanaagsan yihiin , waxaana uu xusay in uu ay heli doonaan xuquuqda uu sharciga siinayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here